Ciidamada Saldhiga Deg.Xamar weyne Oo Soo Qab qabtay Rag ku Labisnaay Dareska Dumarka

Saldhiga degmada Xamarweyne ee gobolka banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay rag ku labisnaay dharka dumarka.

Ragan ku labisnaay dharka dumarka ayaa la sheegay in ey wadeen falal amaan xumo in ey ka sameyaan degmada X/weyne ee gobola banaadir, ciidaamada amaanka degmada xamarweyne ayaa maanta howlgalo ey ku soo qab qabteen ragan ku labisan dareeska dumarka ayaa waxey ka wadeen degmada xaafada.

Taliyaha ciidamada saldhiga degmada X/weyne ayaa saxaafada u sheegay ragan la soo qabtay in ee ahaayeen rag falal amaan darro ka waday degaanka waxoona sheegay taliyaha in baaritaano adag lagu hayo ragan asal ahaan halka ey ka yimaadeen iyo cida soo dirsatay.

Ciidamada saldhiga xamar weyne ayaa lagu yaqaan inta badan ineey sameeyaan howlgalo ka dhan ah kooxa rabshadaha ka wado gobola banaadir iyagoo inta badan soo qab qabto kooxo qas wadayaal ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here