Ciidamada Puntland oo Xabsiga u Taxaabay Mid ka Mid ah Nabadoonada Puntland

Ciidamada Puntland ee ku sugan Magaalada Garowe ayaa xalay xabsiga u taxaabay mid ka mid ah Nabadoonada sida weyn looga yaqaano Deegaanada Puntland, iyadoo aan la garaneynin sababaha loo xiray.

Wararka ka imaanaya Garowe ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Garowe ay xalay saqdii dhexe kala baxeen ilaa 4 Nabadoon, iyagoo 3 ka mid ah dib u soo celiyay halka midka kalana ay xabsiga ku tuureen.

Dad ku sugan Magaalada Garowe oo khadka Telfoonka aan kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in Nabadoonada la xiray ee hadana la soo daayay iyo midka kalen ee xabsiga lagu tuuray ay Garowe u yimaadeen sidi ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Maamulka Madeaxweyne Faroole ayaa cadaadis xoogan ku haya Siyaasiyiinta, aqoonyahanada, waxgaradka iyo qof walba oo soo fara gashta maamulka ka jira Puntland, waxaana xabsiyada Puntland ku jira Rag ka soo horjeeda Fikirka Faroole.

Xaalada Siyaasadeed ee Puntland ayaa cirka isku sii shareereysa, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa ka dhacay xarig lagula kacayo waxgaradka deegaanadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here