Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay markab wasaq ku daadinyay xeebaheeda

Ciidamada amaanka  puntland ayaa gacanta ku dhigay markab sida lasheegay Shamiito halaawday ku daadinayay xeebaha Puntland.

Taliyaha ciidamada badda puntland Coll. C/risaaq Diiriye Faarax, ayaa sheegay in markabka laga leeyahay dalka Waqooyiga Kuuriya islamarkaana uu yahay maraakiibta qaada xamuulka.

Taliyaha ayaa sheegay in markabkaan lasoo qabtay xili uu doonayay inuu xeebaha Boosaaso ku daadiyo Shamiito ku dul halaawday, waxaana markabkaan uu hada yaalaa meel ku dhow xeebta Boosaaso.

Coll. C/risaaq, waxa uu sheegay in markabkaan iyo shaqaalaha saaranba goordhow la hor keeni doono sharciga.

Xeebaha dalkeena Soomaaliya ayaa 20-kii sano ugu danbeeyay waxay ahaayeen kuwo beylah ah oo aan lahayn ciidamo ka ilaliya cadawga, waxaana jirtay in dhowr mar lagu arkay haamo waaween oo ay ku jiraan suntan kasoo harta warshadaha hubka ee doowladaha Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here