Ciidamada Nigerian oo billaabay howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Boko Haram

ABUJA — (MIC) Saraakiil ku sugan gobalka Borono ee ku yaalla waqooyi-bari dalka Nigera ayaa Jimcaha maanta sheegay in ciidamada ay billaabeen howlgalo ka dhan ah kooxda Boko Xaraam si loo soo celiyo ammaanka qaybo ka mid ah dalka ay ku nool yihiin dadka ugu badan qaaradda Africa.

Dhinaca kale, Militeriga dalka Nigeria ayaa sheegay inay horumar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Islaamiyiinta oo ay burburiyeen dhawr saldhig oo ay lahaayeen Boko Xaaraam.

Ciidamada oo billaabay howlgalo ay ka wadaan xaafadaha Baga village oo ku taalla waqooyiga gobalka Borno May 13, 2013.
Ciidamada oo billaabay howlgalo ay ka wadaan xaafadaha Baga village oo ku taalla waqooyiga gobalka Borno May 13, 2013.

Wariyaasha ugu soo warrama dalkaas Hilinka Al-Jazeera iyo Idaacadda BBC-da ayaa soo sheegaya in si wayn looga dareemay gobalada waqooyi bari dalkaas howlgalada ay wadaan ciidamada.

Howlgaladan ayaa yimid kaddib dhowr maalin markii dowladdu ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogga gobalada Borono, Yoobe iyo Adamawa oo dhammaan dhaca waqooyi-bari dalkan ku yaalla galbeedka Africa.

Sida ay lee yihiin saraakiisha ciidamada iyo kuwa caafimaadka tan iyo markii lagu dhawaaqay kooxda Boko Xaraam sannadkii 2009 waxaa dalkaas ku dhintay ku dhawaad 2,000 oo qof.

Wariye BBC -da u jooga gobalka Adamawa, wuxuu lee yahay gobalkan howladada waxaa u sii dheer iyadoo lagu soo rogay bandow oo waxaaba la dhigay guryaha ciidamo hubeysan

Afhayeen u hadlay ciidamada millatariga Nigeria Brig Gen Chris Olukolade wuxuu lee yahay howlgalada waxa ay ku socdaan si nabad ah oo ilaa hadda wax iska hor imaad ah lama aanan kulmin.

Wariyaha kale ee Al-Jazeera ayaa isna soo sheegaya in howlgalada ay qayb ka yihiin diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helicopter iyo xitaa diyaaradaha yer-yer ee Jet-ka.

Inta badan howlgalada ayaa waxa ay ka socdaan xittaa meelaha miyiga oo ay ka mid tahay caasimada gobalka Borono ee, Maiduguri, halkaas la sheegay in ay ku xooggan yihiin kooxda Boko Xaraam.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in isgaarsiinta hawada laga saaray gaar ahaan taleefonka gacanta lagu qaato ee Mobail-ka.

Dad badan ayaa la sheegayaa in ay saameen ku yeelatay xaaladda bandowga ah ee lagu soo rogay gobalkan mashaakiilaadka ay la hareen sidaas waxaa yiri Cabdullahi Tasiwu Abubakar oo ku sugan gobalka Adamawa.

Si kastaba, waxaa la arkayaa ciidamo aad u qalabeesan kuwaas aad u badan oo ku sii qulqulaya gobalka Bronon tan iyo markii madaxweyne Goodluck Jonathan uu ku dhawaaqay in seddax gobalka oo ku yaalla dhinaca waqooyi lagu soo rogay xaalad degdeg ah Salaasadii la soo dhaafay.

Boko Haram, wuxuu magacaas u taahay in la mamnuuco wax-barashada reer galbeedka waa luuqad maxali ah, kooxda la baxday waxa ay damacsan yihiin in ay awooda ka turuaan dowladda isla markaana ay ku dhawaaqaan dowlad islaami ah gobalka waqooyiga.

Sidoo kale waxa ay bartimaameestay kooxda Kristaanka iyo dowladda , sidoo kale dagaalka ay wadaan waxaa ku dhintay Muslimiin shacab ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here