Howlgalo xalay laga sameeyay Muqdisho, laguna soo qabtay hub farabadan

Kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay kusoo qab-qabteen rag ,hub iyo sidoo kale gaadiid dhamaana lagu sheegay inay ka dambeyaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa Nabadsugida kuwaasi oo soo qab qabtay rag tiradooda ay gaarayso 15-ruux o dhamaantood falalka amnidarada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho lagu eedeeyay.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgalada kala duwan ka sameeyeen Degmooyinka Xamarweyne,Hodan,Dharkeyleey iyo Waaberi waxaana la sheegay inay soo qabteen ragaasi iyo hubka ay wateen.

Raga lasoo qabtay oo tiro ahaan gaaraye ilaa 15-ruux ayaa waxaa lagu soo kala qabtay Ak47 oo 6 ah 2 biskooladood iyo labo gaari dhamaantood ay gacanta ku dhigeen ciidanka Nabadsugida.

Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho ee lagag hortagayo inay dhacaan falal dhibaato ku ah dhanka ammaanka ee caasimada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here