Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka oo soo bandhigay wax qabadkooda

Gaadidka ciidanka booliska
Gaadidka ciidanka booliska

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigaayo wax qabadka ciidamada nabadgelyada waddoyinka sannadkii horre 2013-ka

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay xarunta ciidamada waddooyinka ee loo yaqaano Fisho Taraafiko, waxaana halkaas ku sugnaa saraakiisha iyo madaxda ciidamada waddooyinka.

Waxaa goobta xafladda oo kale lagu soo bandhigay gaadid casri oo la sheegay in ay ku howlgalaan ciidamada waddooyinka magaalada Muqdisho kuwaasoo howshooda u fududeeya.

Munaasabadda waxaa kaloo ku sugnaa mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Gaadiidka iyo maamulka Gobalka Banaadir, saraakiil ka socotay ciidamada Booliiska iyo kuwa AMISOM, iyo dadweyne farabadan oo usoo daawasho tegay dhoola tusta ciidamada.

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka Cali Xirsi Barre (Cali gab) oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabahii u qabsoomay sanadki tegay,  isagoo sheegay in magaalada Muqdisho ay ka hirgeliyeen markii ugu horeysay 22 sano kadib nalalka kala haga gaadiidka ee loo yaqaano samaafaraha.

Wuxuu xusay in rajo wanaagsan ka qaban in sanadkan ay ciidamadu ku talaabsan doonaan horumarro ka badan kii sanadkii tegay, wuxuuna ugu baaqay gaadiidleyda iyo bulshada inteeda kale iney la shaqeeyaan ciidamada nabadgelyada waddooyinka.

Ciidamada wadooyinka ayaa qabtay howllo muhiim ah marka loo eego sannadkii horre, waxaana soo dhaweeyay arrintaas dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here