Ciidamada naafada oo isku gadaamay Villa Somalia

naafo_2Ciidamo tiro badan oo katirsanaa Milatariga Soomaaliya dhawaana laga eryay shaqadii ay ka hayeen ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa ayaa maanta barqadii dibadbax waxa ay ka dhigayaan afaafka hore ee xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ciidamada dibad baxa dhigaya ayaa u badan ciidamo katirsana kuwa naafada ee ku dhaawacay dagaalkii 1977-dii ay la galeen ciidamada Itoobiya kuwaa oo dhawaan shaaciyay in shaqadii laga eryay.

Waxa ay ka mudaaharaadayeen taliyaha ciidamada xoogga Gen Indho Qarshe, kaasoo sheegay in ciidamada la eryay ay ahaayeen kuwa meelo lale ka shaqeysta.

Ciidamada dibad baxa dhigaya ayaa isugu jira Rag iyo haween katirsanaa Milatariga ayaa warka taliyaha ku sheegay in uu yahay mid been abuur ah.

Dibad baxayaasha ayaa qaarkood xiran dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxa ayna u diideen in Xarunta Madaxtooyada ay galaan gaadiidka Dowlada, Ciidanka dibad baxa dhigaya ayaana ku dhawaaqaya eryo ay kaga cabanayaan Taliska ugu sareeya Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here