Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo u dabaaldagayo sanadguuradoodii 52-aad

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal dagayo 52-guuradi kasoo wareegatay marki la aas aasay.

Sanadguuradaan oo ay kusoo beegantay xilli ay guulo waaweyn kasoo hooyeen dagaaladi Muqdisho iyo gobolada dalka qaar ayaa waxa ay ka dhici doontaa xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya, Maxamed Cali Catoosh ayaa sheegay in tan iyo sanadki 1960-ki ay ciidanka milatariga soo mareen marxalado kala duwan, iyaga oo mar soo noqday mid ka mid ah quwadaha ugu xoogan Qaarada Africa.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowlada ay mar walba la garab taagantahay wixi karaankeeda ah oo taakula.

“Runti waxaan aad ugu hambalyeynayaa meel walbo oo ay joogaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, waxaan leeyahay guuleystayaal baad tihiin, duruufo adag iyaga oo ku shaqeynaya ayey go,aansadeen in ay naftooda u huraan dalkoosa, wax la bixiyo oo ka weyn naf ma jirto taasina waxay ka suurtoowday waa ciidamada xooga dalka Soomaaliya,”

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo xaflad loogu sameynayo maanta xuska aas aaska ciidanka difaaca Soomaaliyeed taasi oo saacaha soo aadan ka dhici doonta Muqdisho.

Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa la aas aasay 12-ki April sanadki 1960-ki.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.