Ciidamada Milatariga oo saakay ku wajahan Aadan-yabaal

Ciidamada Milatariga oo dhaqdhaqaaq xoogan ka wada Shabeelaha Dhexe
Ciidamada Milatariga oo dhaqdhaqaaq xoogan ka wada Shabeelaha Dhexe

Ciidanka Militariga Somaliya ee ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay bilaabeen dhaq dhaqaaq ciidan oo ku wajahan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolkaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Daa’uud Xaaji Ciiro, ayaa wuxuu sheegay in Maamulkiisu uu dadaal ugu jiro, sidii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa Degmada Aadan Yabaal.

Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa bidhaamiyay in Ciidanka Militariga Somaliya ee ku sugan Degmadaasi Cadale, ay wadaan guluf militari oo ka dhan ah Shabaabka ka arrimiya Degmadaasi Aadan Yabaal.

Daa’uud Xaaji Ciiro, ayaa ujeedada loo weeraraayo Shabaabka Aadan Yabaal wuxuu ku sheegay mid ka dhalatay cabasho ka timid dadka deegaanka, oo ku aadan inay Shabaabku cadaadis ku hayaan bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan ka helaaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa horaantii bishii April la wareegay gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal, inkastoo laba cisho ka dib ay isaga baxeen.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maalmo ka hor la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay hawlgalada ka soconaaya Gobolkaasi inuu yahay midkii xididada loogu siibi lahaa Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here