Ciidamada Mali iyo kuwa Faransiiska oo qabsaday Magaalo Cusub

Wararka ka’imaanaya wadanka Mali, ayaa sheegaya in Ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ay qabsadeen magaalada “Buu Maryam” oo ku taal waqooyiga dalkaas.

Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa qortay in Ciidamada Mali iyo kuwa Faransiiska ay qabsadeen deegaano horleh oo ay kooxaha Islaamiyiinta weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kasoo qaadi jireen.

Askari katirsan xoogaga Ciidamada galbeedka Afrika, ayaa sheegay in “Buu Maryam” ay saldhig u ahayd kooxaha Islaamiyiinta.

Kumanaan ka tirsan Ciidamada Faransiiska iyo kuwo Afrikaan ah ayaa hada kusii qul qulaya wadanka Mali si ay ula dagaalamaank kooxaha Islaamiyiinta.

Ciidamadan is garabsanaya ayaa waxaa u suurta gashay ineey gacanta ku dhigaan magaalooyin waaweyn, sida (Kidal, Gaaw, Timbuktu) oo ay horay u maamuli jireen kooxaha Islaamiyiinta.

Buu Maryam:

Waa magaalo dhacda hareeraha wabiga Naiger, waxayna 80km dhinaca waqooyi ka xigtaa magaalada Gaaw taasoo kala jarta wadada u dhaxaysa magaalooyinka Kidal iyo Timbukto oo labadoodaba hada gacanta ugu jirta Doowlada Mali iyo Ciidamada Faransiiska.

Masuul diiday in magacisa lasoo xigto ayaa sheegay in Buu Maryan ay xudun u tahay dhaqdhaqaaq walboo ka socda magaalada Gaaw, waxa uuna hadalkiisa kusii daray in aysan jirin dagaal xoogan oo ay lakulmeen Ciidamada qabsaday magaladaas.

Doowlada farnsiiska ayaa sheegtay in bilaawga bisha March ay wadanka Ciidamo gaaraya ilaa 4,000 kala soo baxeyso wadankaas, si howsha loogu wareejiyo ciidamada Mali iyo kuwa ka socda galbeedka Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here