Ciidamada A.madoobe oo dhac iyo boob ka wada Kismaayo

imagesCiidamada Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa lagu eedeeyay ineey dhac iyo dilal ka geysteen gudaha magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah Odayaasha Kismaayo oo wareysi saakay siinayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka KMG ah ee Jubba, ay dhac, dil iyo booba ka wadaan magaalada Kismaayo.

Ciidamada Mamulka Jubba, ayaa lagu eedeeyay ineey dileen Ganacsade lagu magacaabo Maxamed C/kariin Cusmaan, kadibna ay dhaceen lacag uu lahaa oo tiradeeda lagu sheegay 18,000$.

Waxgaradka Kismaayo, ayaa DF ugu baaqay ineey si deg deg ah usoo fara galiso arintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here