Ciidamada Kenya oo sheegtay in ay qabsadeen deegaanka Faafax-dhuun

Milatariga Kenya ayaa sheegtay in ay qabsadeen deegaanka Faafax-dhuun ee gobolka Gedo kadib dagaal ay la galeen xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka milatariha dowlada Kenya Major. Emanuel Chirchir oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in dagaalka oo dhacay xalay maqribki ay ciidamadooda iyo kuwa dowlada KMG oo is garabsanaya ay dagaal ku qabsadeen halkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in ay Al Shabaab kaga dileen 3 dagaalyahan, halka dhankoodana uu kaga dhintay hal askar.

“Shalay saacadu marki ay aheyd 6:00 maqribnimo ayey ciidamadeenu ka dhaqaaqeen Buusaar, marki ay FaxFax-dhuun galeen waxay la kulmeen dagaal ay kala hor yimaadeen Al Shabaab, waxaan ku dilnay sadex askari waxaan ku qabsanay qoryo iyo laba Fooneeye, dhankeena waxaa ka dhintay hal askari” ayuu yiri Mr Chirchir.

Laakin warkaasi waxaa beeniyey afhayeen u hadlay Al Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh C/casiis Abu Muscab oo sheegay in wali ay gacanta ku hayaan Al Shabaab deegaanka Faxfaxdhun.

“Ciidamada gaalada waxay duqeeyeen meel u dhaw Faxfaxdhuun kadib ciidan ayey ayey soo direen inta ay dhax soo marayeen ayaa waxaa wadada u galay mujaahidiinta oo dagaal kala hor tagay halkaasi ayeyna ku joojiyey oo ay joogaan, ma jirto ciidan soo galay Faafax-Dhuun,” ayuu yiri.

Ma jiro wax ka madax banaan labada dhinac oo xaaqijinaya sheegashada labada dhinac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.