Ciidamada Kenya oo qabtay nin lala xiriirinayo Al-shabaab.

booliska-kenyaWararka naga soo gaaraya dalka Kenya, ayaa sheegaya in Booliska dalkaas ay Gacanta ku dhigeen nin sida la sheegay ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Ninkaan ayaa sida la sheegay laga qabtay deegaan lagu magacaabo Nyeri ee dalka Kenya, waxaana Boolisku ay ku eedeyeen in dhallinyarada deegaankaas uu u tababarayay sidii ay uga mid noqon lahaa Al-shabaab.

Ninkan laga shakisan yahay ayaa la sheegay in isaga iyo saddex ruux oo ay walaalo yihiin ay tababar kusoo qaateen saldhigyo ay kooxda Al-shabaab ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya. Iyadoo la sheegay in eedeysanahan uu ku xiran yahay xabsi qarsoodi ah.

“Eedeysanaha markii la soo qabtay waxaa lagu xiray xabsiga Ruring’u oo ku yaalla Nyeri. Waxaana la qabtay kaddib markii uu sheegay inuu Al-shabaab ka tirsan yahay uuna u hanjaby wadaad masjid ka dhisayay deegaankaas,” ayay u warbaahinta u sheegeen booliiska deegaankaas.

Ninkan laga shakiyay ayaa la sheegay in magaalada Nyeri uu ka dhisay masjid, kaas oo boolisku ay sheegeen in la rumeysan yahay in uu kharashaadka dhismaha masjidkaasi ku taageeray ururka Al-Qaacidda.
“Ninka xiligaan an gacanta ku heyno waxaa uu tagay Soomaaliya waxana xiligaa waheliyey saddex walaalihiis,waxana xiligaan looga shaki qaba inay ka soo bar-bar dagaallameen Al-Shabaab, balse sannad kadib dalka ayey dib ugu soo laabteen”,ayaa lugu yiri war ka soo baxay booliska Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here