Ciidamada Kenya oo la wareegay degmada Badhaadhe

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, kadib marki shalay ay qabsadeen deegaanka Hoosingo.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada Kenyan oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayaa saaka ka soo dhaqaaqay deegaanka Hosingow, waxaana u suura gashay inay qabsadaan Badhaadhe.

Afhayeenka Milateriga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in guushii ugu weyneyd ay gaareen isla markaana Shabaab ka qabsadeen degmada Badhaadhe, waxaa uu sheegay inay dhabar jab xoogan ku tahay Shabaab.

Axmed Madoobe oo ah Madaxa jabhada Raaskambooni ayaa sheegay inay horay uga gudbeen degmada Badhaadhe, isla markaana deegaano dhowr ah ay hada ku sii jeedaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay ku wajahan yihiin degmada Bu’aale oo xarun u ah Gobolka Jubada Dhexe.

Kenya ayaa ciidamo usoo dirtay Soomaaliya bishi October ee sanadki hore, waxaana tan iyo markaasi ay qabsadeen deegaano ka tirsan gobolada Gedo iyo Jubada Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.