Ciidamada Kenya oo gacanta ku dhigay Gaari sida walxaha Qarxa

Wararka ka imanaya degmada Wajeer ee waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in booliska Kenya ay qabteen baabuur xamuul ah oo ay saarnaayeen 27 tan oo ah kiimikada walxaha qarxa laga sameeyo oo la sheegayo inuu ku wajahnaa dalka Somalia.

Afhayeenka Booliska Kenya Masood Mwinyi Masudi, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka booliska Kenya ay baabuurkaasi qabteen, wuxuuna sheegay in haatan ay wadaan baaritaanno la xiriira baabuurkaasi iyo walxaha saaran.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo markii ay dabayaaqadii sanadkii 2011 gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya, waxaa gudaha dalkaas ka dhacayay Qaraxyo, dilal iyo Afduubyo loo gaysanayay Ajaanibta u shaqeysa hay’adaha Caalamiga ee dalkaas ka howlgala.

Al-shabaab ayaa horay wacad u maray ineey ka aargudsan doonan Kenya oo ciidamadeeda ay magaalada Kismaayo ka saareen Xoogaga Al-shabaab oo mudo 4 sano kabadan maamulayay magaalo Xeebeedka Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here