Ciidamada Kenya oo dab qabadsiiyay Suuqa Garissa

Boqolaal katirsan ciidamada milatariga Kenya ayaa shalay ku qamaamay suuqa magaalada Gaarisa, iyagoona bilaabay ineey garaacaan dadka dagan halkaas oo Soomaalida ubadan islamarkaasna ay dab qabadsiiyeen guryo iyo suuqa Gaarisa, kadib markii shalay halkaas dil loogu gaystay 3 kamid ah askarta milatariga.

Wariyayaasha ku sugan halkaas ayaa soo sheegaya ineey indhahooda ku arkayeen askarta oo galeeysa masajidyada iyo guryaha islamarkaasna raacdeeysanaya dadka, dilaya oo garaacayana.

Askartaan sadaxda ah ee shalay kooxaha hubeeysan ku dileen bartamaha Magaalada Garissa iyagoo samaysanaya taayar ka halaabay baabuur ay wateen ayaa sida lasheegay waxay katirsanaayeen ciidamada AMISOM ee howlgalka kawaday Koofurta Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Kenya Cyrus Oguna, ayaa sheegay in raga dilka gaystay ay baxsadeen iyagoo ku dhex milmay dadka cararay kadib markii uu dilka dhacay.

Kadib markii ladilay Askartaan ayaa ciidamada milatariga bilaabeen ineey dabq abadsiiyaan suuqa weyn ee magaalada Garissa halkaasoo ganacsiga xoogiisa ay leeyihiin Soomaalida.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Garissa kadhacay weeraro lala bartilmaameedsanayay ciidamada amaanka, waxaana eeda dusha looga tuurayay Al-shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, lakin hada dagaalka xoogiisa u weeciyay Kenya.

Garissa iyo hareeraheeda waxaa daga dad asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya.

Kenya ayaa sanadkii hore waxay ciidamo usoo dirtay gudaha Soomaliya kuwaasoo hadafkooda ahaa ineey ladagaalamaan Al-shabaab, markii danbana kamid noqday howlgalka AMSIOM.

Qul qulatooyinka Garissa ayaa kusoo aadaya xili magaalada Nairobi ay ka taagantahay isku dhacyo udhaxeeya dadka Soomalida iyo kuwa Keenyaatiga, dhibaatadaas oo kadhalatay kadib markii doraad la qarxiyay gaari Bus ah oo ay ku dhinteen dad kabadan 6 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, Kenyatiga ayaa aaminsan in Soomaalida ay ka danbeeyaan qaraxaas.

Sida ay qortay wakaalada wararka Reuters dad caraysan islamarkaasna tuuraya dhagxaan ayaa weerar ku qaaday goobaha ganacsiga iyo shirkadaha ay Soomaalida ku leedahay magaalada Islii oo lo yaqaan (Muqdisho two) laguna tiriyo meelaha ay Soomaalida aadka ugu badantahay.

Wariyayaasha halkaas ku sugan ayaa soo warinaya in goobaha ganacsiga ay ilaa hada yihiin kuwo xiran dadkii lahaayna ay ku jiraan gudaha goobahooda ganacsiga.

Islii waxaa dagan dad Soomaali ah laakiin haysta dhalashada Kenya, dhibaatada hada ka taagana waxay soo bilaabatay 20-kii sabo ee ugu danbeeysay waxaana loo sababeeyaa kadib markii ay kusoo jabeen qaxooti farabadan oo Soomaali ah kuwaasoo kasoo cararay dagaalada Iyo dhibaatooyinka kajira wadankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here