Ciidamada Kenya oo 100-km usoo jirsaday magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa dowlada KMG Soomaaliya ay maanta qabsadeen deegaan 100-km u jira magaalada Kismaayo.

Dagaal mudo socday oo ay ciidamada Kenya cirka iyo dhulka uga qaadeen fariisin ay ciidamada Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dalaayad ayey ku qabsadeen maanta sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada dowlada.

Deegaankan ayaa la sheegayaa in uu 100-km dhanka koonfureed kaga beeganyahay magaalada Kismaayo oo ah xarunta ugu weyn ee ay Al Shabaab ku leeyihiin gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa wacad ku maray in ay ka hortagi doonaan ciidamada Kenya.

Kenyanka ayaa duqeymo la beegsanayey maalmahan fariisimaha Al Shabaab iyo gaadiidka dagaalka iyo kuwa kolonyada ah ee ay adeegsadaan Al Shabaab, waxaana tan iyo marki ay soo galeen Soomaaliya bishi October ee kal hore ay samaayeen duqeymo sababay qasaaro u badan dad rayid ah.