Ciidamada Kenya iyo kuwa TFG-da oo qabsaday Hoosingow iyo Al Shabaab oo ka hadlay

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Hoosinago oo ku yaala dhinaca galbeed ee gobolka Jubada Hoose.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada ayaa xaqiijiyey in ay qabsadeen Hoosingo oo ka tirsan degmada Badhaadhe, waxa kale oo uu sheegay in uu ka dhacay deegaanka dagaal aanan badneyn ka hor inta aysan la wareegin.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in laba diyaaradood oo ah kuwa miiga ah ay duqeeyeen duleedka Hoosingoow oo horay ay ciidamada Kenya duqeymo ay u gyesteen ku dileen 15 ruux.

Saraakiil u hadashay Al Shabaab oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa iyana xaqiijiyey in ay isaga soo baxeen mar hore deegaanka, iyaga oo beeniyey inuu ka dhacay wax dagaal ah oo ayba ciidankooda kasoo tageen.

Hoosingoow ayaa aheyd xarun ay ciidamada Al Shabaab si aad ah u adeegsan jireen, waxaana lagu tilmaamaa tuulo istaraatiiji ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com