Ciidamada Kenya iyo Al Shabab oo madaafiic isku weydaarsay Hoosingo

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hoosingo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab ay xalay madaafiic isku weydaarsadeen halkaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan Hoosingo, xalay saqdi dhexe ayaa waxaa mar qura laga maqlay deegaanka madaafiic hoobiyeyaal ah oo ay Shabaabka la beegsadeen fariisimo ay ciidamada Kenyaanka iyo kuwa dowlada ku leeyihiin deegaanka.

Ciidamada Kenya ayaa iyaguna ku jawaabay madaafiic culus oo laga maqlay meelo badan oo u dhaw dhaw Hoosingo, balse lama oga qasaaraha ay geysteen madaafiicda ay is dhaafsadeen labada dhinac.

Deegaanka Hoosyingo ayaa dhawaan u gacan galay ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya, hase yeeshee tan iyo marki ay Al shabaab isaga baxeen bishi hore, waxay soo ku qaadeen deegaanka laba weerar oo uu ugu danbeeyey kii xalay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.