Ciidamada Kenya iyo Al Shabab oo ku dagaalay Gobolka Gedo

Dagaal faraha loogaga gubtay ayaa maanta ciidamo Kenyan ah iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ku dhex maray deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo.

Inta la ogyahay 5 ruux ayaa ku dhimatay 7 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kuwaasi oo dhamaantood ahaa dhinacyadi dagaalamay sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka madax banaan labada dhinac oo ku sugan Ceelcade.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya oo ka yimid dhanka Jubada Hoose ay Al Shabab u galeen meel u dhaw Ceelcade, halkaasi oo ay ku dagaalameen labada dhinac.

Ciidanka Kenyanka ayaa marka hore waxaa qarax lagala eegtay mid ka mid ah gaadiidkooda, waxaana ay ku socdeen dhinacaasi iyo magaalada Garbahaareey.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamay, hase yeeshee dagaaladaan ayaa ka mid ah kuwa u dhaxeeyo Al Shabab iyo ciidanka Kenya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.