Ciidamada Jarmalka oo howlo milatari ka bilaabaya Soomaaliya

3583CC2C-766F-43B9-9B1B-D1B405A10164_mw1024_s_nBaarlamaanka Jermalka ayaa ansixiyay qorshe ay hawlo militari uga bilaabayaan ciidamada militariga ee dalkaasi Soomaaliya iyo Mali.

Gaar ahaan ciidamadaa ayaa waxay hawlo militari ka bilaabayaan Mali iyo xeebaha Soomaaliya sida uu sidoo kale sheegay afhayeenka dawlada Jermalka Arbacadii shalay ahayd.

Ciidamada Jermalka ee meelahaa la geynayo ayaa waxaa ay hoos imaanayaan EU ama Midowga Yurub oo dammaanad qaaday ilaa laga gaaro bisha 5aad ee sanadka 2017, waa sida lagu xusay warbixino dawlada dalkaasi Jermalku leedahay.

“Baarlamaanka dalkaa ayaa go’aansaday inuu dheereeyo mudada  Bundeswehr [ciidanka Jermalka] ee burcad badeeda kuwajahayay biyaha badda ee Soomaaliya iyo in [sidoo kale] la taageero  Mali,” Steffen Seibert oo ah afhayeenka dawlada Jermalka ayaa sidaa yiri.

Bundeswehr oo ah magac kale oo loogu yeero ciidanka Jermalka waxay roondo ilaalin ah ka wadeen badda Soomaaliya si maraakiibta ganacsiga ay uga badbaadiyaan burcad badeeda tan iyo sanadkii 2008.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here