Ciidamada Jabuuti oo B/weyne ku xiray laba Masuul

Wararka ka’imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti eek u sugan halkaas ay xabsiga u taxaabeen laba masuul oo katirsan maamulka G/hiiraan.

Xariga labadaan masuul ayaa yimid kadib markii uu gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka maamulka G/hiiraan Axmed Cismaan Inji oo meel mujtamac buuxaan ku feeray gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee maamulkaas Cadaawe.

Intaas kadib ayaa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa xabsiga dhigay Axmed Cismaan Inji, waxaana hada socda waan waan lagu sii daynayo.

Is gacan dhaafka labadaan masuul ayaa yimid mar ay ka qayb galayen kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen odoyaasha iyo wax garadka Hiiraan, dadkii kusugnaa halkaas ayaana aad ula yaabay markii ay labadaan masuul feer isla dhaceen.

Xiisada labadaan masuul ayaa sidoo kale salka ku haysa dil horay magaalada B/weyne loogu gaystay sarakaalkii ugu sareeyay ciidamada maamulka G/hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here