Ciidamada Jabuuti iyo Somaliland oo isku Dhacay

indexHal askari ayaa geeriyooday, laba qof oo midkood askari yahayna waxa soo gaadhay dhaawac kadib markii ay isku dhaceen badda ee Jabuuti iyo Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, kadibna ay rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda dhinaca Somaliland.

Labada qof ee dhaawaca ah ayaa waxa ku jira kabtankii markabkaas Masar, oo Somaliland ay sheegtay inay ruqsad siisay.

Dowladda Jabuuti weli kama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee waxaa lagu warramayaa in dhacdadan ay iminka ka wada hadlayaan labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here