Ciidamada Jabuuti ee ku Sugan Baledweyne oo Weerar Xoogan lagu Qaaday

Wararka aan ka heleyno magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaaladaasi.

Ilaa 2 Bambo gacmeed ayaa lagu tuuray ciidamada Jabuuti ee ku howlgalaya magaca AMISOM,waxaana weerarka noo xaqiijiyay dad ka tirsan kuwa ku nool Magaalada Baledweyne.

Wali ma cada khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada Jabuuti,balse warar kala duwan ayaa sheegaya in khasaaro uu soo gaaray ciidamada Jabuuti,walow aan tiradooda laheyn.

Marki bambooyinka lagu tuuray Ciidamada waxaa la maqlay rasaas aan badneen,taasoo ay ridayeen ciidamada la weeraray.

Howlgalo xoogan ayaa ka soconaya magaalada Baledweyne,gaar ahaan goobaha ay kaga shakisan yihiin in weerarka looga soo qaaday, waxaana ciidamada Jabuuti la socday ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Magaalada Baledweyne ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga nastay weerarada bambaano ee lagu tuuro fariisimada ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowlada Soomaaliya,waxaana weerarkan uu noqonayaa mid wali ay kooxaha ku kacsan Dowlada ay ku muujinayaan awoodooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here