Ciidamada Itoobiya oo xabsi iyo jir-dil isugu daray Gudoomiyaha Gedo

ethiopia-amisomWar goordhow naga soo gaaray Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee halkaas jooga ay xabdi iyo jir dil xun isugu dareen Gudoomiyihii Gobolkaas Nuur Sheekh Maxamed Burraale.

Gudoomiyaha oo saacado kadib lasoo daayay, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacadadaas, waxaana uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay xireen, islamarkaasina ay u geysteen jir dil xoogan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay, in lagu xiray magaalada Garbahaareey, balse ma’uusan xaqiijin sababta ka dambeysa in ciidamada Itoobiya ay sidaas ula dhaqmaan.

Doowlada Soomaaliya, ayaa ilaa iyo hada war kasoo saarin dhacadadaan bahdilaada ah ee ay ciidamada Itoobiya kula kaceen masuul katirsan Doowlada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here