Ciidamada Itoobiya oo saakay la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Hiiraan

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ayaa iyaga oo lugeynaya saakay la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowlada ee ku sugan Hiiraan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Nuur ayaa xaqiijiyey in saakay ay la wareegeen deegaanada kala ah Baardheere, Beer-xaano iyo deegaanka Taree Disho oo ku yaala dhinaca bari ee magaalada Beledweyne.

Waxa kale oo uu sheegay in ay hada qarka u saaran yihiin oo ay kusii jeedaan deegaanada Booxo iyo Garasyaani oo 65-km dhinaca bari kaga beegan magaalada Beledweyne.

Garasyaani ayaa waxaa la sheegay in uu ka bilaabanayo difaaca koowaad ee dagaalyahanada Al Shabaab oo kuwaasi oo xooga saarayo sidi ay ciidamada Itoobiya uga difaacan lahaayeen degmada Beledweyne.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ayaa horaanti sanadkaan la wareegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.