Ciidamada Itoobiya oo nin rayid ah ku toogtay magaalada Baladweyne

Dadka ku nool magaalada Baladweyne ayaa aad uga xumaaday nin rayid ah oo ay saakay ciidamada Itoobiya si arxan darra ah ugu dileen halkaasi.

Ninkan oo sida la sheegay ka mid ahaa dadka ku xamaasha gaari gacanka ee biyaha ku wareejiya ayaa waxaa ka shakiyey Itoobiyaan halkaasi marayey kuwaasi oo rasaas ku furay marki uu baqa cararay.

Abukar Ibrahim Dhakad oo ka mid ah madaxda maamulka gobolka Hiiraan oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado isla markaana cambaareeyey.
“Saakay 8:30 ayey arin fool xun ka dhacday Suuqa Xoolaha, ciidamada Itoobiya ayaa saakay soo qabtay nin gaari gacanle ah oo xaafadaha biyo siiya, ninki marki ay soo qabteen ayuu argagaxay wuuna cararay kadibna rasaas ayey ku fureen wuuna dhintay, arintaasi waan ka xumahay waana cambaareynayaa,” ayuu yiri.

Ciidamada Itoobiya ayaa sida caadada ah dila dadka ay ka shakiyaan marka la weeraro ama la qarxiyo, sidoo kale waxay toogtaan dadka ka carara marka ay qabtaan ama ay ku maraan in ay istaagaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here