Ciidamada Itoobiya oo lagu weeraray gudaha magaalada Beledweyne iyo dad loo qabqabtay weerarkaas.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in lagu weeraray bambaanooyin.

Ciidamadan oo ku sugnaa galbeedka magaalada Beledweyne  ayaa la sheegay inaysan waxba soo gaarin oo ay ka badbaadeen weerarkii bambaanooyinka ahaa ee lagu soo qaaday.  Waxaana ciidamadan la sheegay inay saarnaayeen baabuur Cabdi Bile ah.

Hase yeeshee ciidamada Itoobiya oo furay rasaas ayaa la sheegay in ay dad rayid ah wax ku noqdeen iyadoo aan la xaqiijin illaa iyo hadda tirada dhabta ah ee wax ku noqotay weerarkan.

Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa isla markiiba waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku baadigoobayeen dadkii ka dambeeyey weerarkan inkastoo la sheegay in ay ragaasi ka baxsadeen goobta uu weerarka ka dhacay.

Hase yeeshee ciidamada Itoobiya ayaa soo qabqabtay illaa toban ruux oo ka mid ah dadka ku sugnaa agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay. Inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in markii dambe la sii daayay dadkii la soo qabqabtay.

Weerarkan lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ah kii ugu horeeyey oo lagu qaado maalin cad balse xilliyada habeenkii ayaa dhowr jeer bambaanooyin lagu weeraray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ahba.