Ciidamada Itoobiya oo dad badan ka qabtay Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in maanta ay ciidamada Itoobiya ka qab qabteen dad aad u fara badan kadib howlgalo ay saakay ka sameeyeen xaafada H/wadaag.

Tobaneeyo ruux ayaa la geeyey saldhiga booliska halkaas oo su,aalo lagu weydiinayo, waxaana wali xiran wadooyinka xaafada H/wadaag oo ay inteeda badan buuxiyeen maanta ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo Soomaali.

Howlgalada waxay ka danbeeyeen marki xalay xaafadaasi lagu weeraray ciidamo Itoobiyaan ah, weerarkaasi ma jirin cid sheegatay laakin waxaa fuliyey kooxo hubeysnaa.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo taabacsan dowlada KMG Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.