Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo goor dhaweyd la wareegay magaalada Baydhabo

Waxaa goor dhaweyd gudaha u galay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Somaaliya.

Ciidamada is garabsanaya oo saakay kasoo dhaqaaqay degmada Bardaale ayaa duhurnimadi maanta ku nastay deegaanka Aw-Diinle oo 15-km u jirto Baydhabo.

Goor dhaweyd ayey u suura gashay in ay si nabad ah ay ku gaaraan Baydhabo oo ay haatan gacanta ku wada dhigeen, iyadoo ciidamada Itoobiyaanka ay haatan joogaan xaafada Buulo-Jameeco, halka ciidamada dowladanana ay joogaan saldhiga magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, Xarakada AL shabaab ayaa uga baxay magaalada dhinaca deegaanka Iidaale saacadihi lasoo dhaafay.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.