Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada oo caawa qabsaday degmada Qansaxdheere

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa maqribnimadi caawa qabsaday degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Sida ay wararku sheegayaan dagaal ayaa ka dhacay meel 10-km u jirto magaalada kadib marki ay Al Shabaab halkaasi aag ka xirteen balse marki danbe way isaga baxeen, waxaana ciidamada is garabsanaya u suura galay in ay gudaha u galaan magaalada iyaga oo aanan la kulmin wax iska caabin ah.

Gudoomiyaha gobolka Bay C/fataax Geeseey ayaa sheegay in Shabaab ay carareen marki ay ciidanka dowlada iyo kuwa Itoobiya kusoo dhawaadeen.

“Waxaa noo suura gashay in aan la wareegno degmada Qansaxdheere, ma jirin wax iska caabin ah oo aan kala kulanay cadawga, meel 10-km u jirto magaalada ay xabado yar kasoo rideen.” ayuu yiri.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay duleedka Qansaxdheere ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale waxaa xiisad colaadeed ay ka taagantahay degmada Buurhakaba oo ay ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa dowlada kusoo dhawaadeen, sidoo kalana Shabaab ayaa wali ku sugan magaalada.

Maalmihi lasoo dhaafay ayaa waxaa soo galayey gobolka Bay ciidamo dheeraad ah oo Itoobiyaan ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. Waxaan odhanlaahaa SOMALI ALLE haka zaaro dhibka Dagaalo iyo gobolo lakalaqabsadaana xalmanoqdee wal hala keeno dalka iyo dadkana haloo tudho

Comments are closed.