Ciidamada Itoobiya guulo ka shegtay dagaal galabta ka dhacay meel u dhaw degmada Bardaale

Dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu galabta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Yurkud iyo Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay.

Dagaalka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo la safnaa kuwa Itoobiya ayaa ka danbeeyey marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ciidamo ah oo kusoo socday dhinaca Bardaale.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee la socda kuwa Itoobiya ayaa sheegay in ay ku dileen dagaalka 16 ka mid ah dagaalyananada Al Shabaab halka ay gacanta ku dhigeen qaar kale oo fara badan.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay haatan qabsadeen deegaan lagu magacaabo Howlaha Guud oo u dhaw degmada Bardaale.

Al shabaab ayaa beeniyey warkaasi, waxaana ay sheegeen in ay wali ku dagaalamayaan meel u dhaxeysa Yurkud iyo Bardaale.

Ciidamadaan Itoobiyaanka ah iyo kuwa dowlada ayaa kasoo baxay saakay deegaanka Yurkud.

Dagaalka wuxuu ka danbeeyey kadib marki uu gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan maanta u sheegay BBC-da in maalmaha soo aadan gudahood ay dowlada KMG qabsan doonto gobolada Bay iyo Bakool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.