Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa qabsaday guud ahaan magaalada Kismaayo.
Kadib laba maalin oo ay banaanka magaalada daganaayeen ayey maanta u suura gashay in ay qabsadaan xarumaha muhiimka ah sida, Dakada, Eraboorka, Saldhiga iyo xarumaha maamulka.
Inkastoo xaalada magaalada Kismaayo ay labadii maalmood aheyd mid qasan markii ay ka baxeen Shabaab, ayaa waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaalo ka dhacaan oo Al-Shabaab weerar ku dhufo ka dhaqaaq ku soo qaadaan.
Diyaaradaha Helicopter ayaa lagu arkayaa magaalada iyagoo dul heehaabaya, isla markaana ciidamada galay magaalada u muuqda kuwo sheeda sare kala socda.
Sidoo kale Ciidamada huwanta ayaa ku sugan dhamaan jidadka laga soo galo magaalada Kismaayo, kadib markii shalay la wareegeen koontaroolada laga galo.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM, iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan ciidamada gudaha u galay magaalada, oo dhowr maalmood ay u qaadatay, markii ay banaanka ku sugnaayeen.
ilaahow soomali ka saar dhibka labaatan sano baan ku jiraa magaalo la qabsaday waa wax laga xumaado oo xanuun badan waxa nagu hardamayana waa quwado shisheeye