Ciidamada huwanta oo sheegtay in ay Kismaayo u jiraan 50-km

Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa sheegay in ay haa Kismaayo u jiraan wax ka yar 50-km, iyadoo haatan uu dagaal culus socdo.

Dagaalada oo ka socday deegaanka Niido iyo tuulooyinka kale ee u dhaw oo ka tirsan Jubada Hoose, ayaa ka danbeeyey marki ay ciidamada isgarabsanaya ay weerareen halkaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowlada oo lagu magacaabo Axamed Maxamud Maxamed ayaa sheegay in dagaalka ay ka qeybgalayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa gantaalada xambaara ee Miiga.

“Saakay dagaal ayaan qaadnay, dagaalka waxa uu ka dhacay nawaaxiga Niido dadki daganaana way qaxeen, cirka iyo dhulkaba waan kala dagaalameen waxaana Kismaayo u jirnaa ku dhawaad 40-km,” Axmed Maxamuud Maxamed.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa xaalada kacsanaanta ah, iyadoo fagaare ay maanta Al Shabaab kusoo bandhigeen meydadka afar askari oo laba ka mid ahi Kenyan ahaayeen ka sheegeen in dadka oo dhani isu diyaariyaan dagaal jihaad ah.

Dagaalkan wuxuu daba socdaa weerar ay Xarakada Al Shabab shalay ku qaadeen magaalada Afmadow kaasi oo ahaa kii ugu xumaa ee waayahaan ka dhaca Jubada Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here