Ciidamada Huwanta oo la Wareegay Deegaano ka Tirsan Gobolka Sh/Dhexe

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana deegaanadaasi laga saaray Xarakada Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay la wareegeen deegaanada Xawaadley iyo Golaley oo ku dhow magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

Taliyaha Gaaska koobaad ee Ciidamada Dowlada Soomaaliya General C/laahi Cali Caanood ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, wuxuuna xaqiijiyay inay deegaano badan ay alshabaab gacantooda ka baxeen.

“Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom saakay waxaa ay ku kala heen dhinaca magaalada Jowhar, waxaan kooxihii nabad diidka ahaa ka saarnay deegaanada Xawaadley iyo Golaley” ayuu sheegay Gen. Caanood.

Taliyaha ayaa sheegay in Alshabaab ay isaga baxeen deegaanadaasi marki ay ku dhawaadeen Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM , iyagoo isugu tagay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha in qabashada deegaanadaan ay sahleyso sidii gacanta Dowlada loo soo galin lahaa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaalada Jowhar ayaa wali waxba iska badalin, walow ay jiraan cabsi laga qabo inay gaaraan magaaladaasi ciidamada huwanta ah.

Wixii ka soo kordha kala soco wararka dambe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here