Ciidamada Huwanta oo la wareegay deegaano hoostaga Jubooyinka

Wararka ka’imaanaya Jubooyinka ayaa sheegaya in Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay shalay galab la wareegeen gacan ku haynta deegaano kala qaybiya Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa sida lasheegay waxay gacan ku haynta deegaanadan xuduudka u ah labada Jubo la wareegeen shalay gelinkii danbo, mana jirin wax iska caabin ah ama dagaala oo ay kala hor yimaadeen Al-shabaab maadaama ay iyaga halkaas maamulayeen.

Degmooyinka ay Ciidamada shalay la wareegeen waxaa kamid ah tuulooyinka Naasiriya iyo Welmaaro waana deegaanno ay degaan dad xoolo dhaqato iyo beeraleey isugu jira.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada doowlada oo wareeysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka doowlada, ayaa xaqiijiyay in shalay galab duulaan aan dhiig ku daadan kula wareegeen deegaanadaas.

Waxaa xusid mudan in la wareegida deegaanadaan ay shalay la wareegeen Ciidamada huwanta ay kusoo aadeeyso xili bilooyinkii ugu danbeeyayba ay Al-shabaab isaga baxayeen magaalooyin farabadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here