Ciidamada Ethiopia oo Qarax Lagula Eegtay Baydhabo

Goordhowayd oo duhurkii ah magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay qarax lala beegsaday Ciidamada Ethiopia ee kusugan magaaladaasi waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay askari itoobiyaan ah, sidoo kale waxa uu khasaare kasoo gaaray tiro kale oo 10 ku dhow.

Sida ay sheegayaan dad goob jogaal ah qaraxa ayaa ahaa nuuca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog kaasi oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay.

Qaraxa khasaaraha geystay ee Ciidamada Ethiopia lagula eegtay magaalada Baydhabo ayaa waxa uu qayb ka noqonaayaa qaraxyo isdaba joog ah oo mararka qaar ka dhaca magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here