Ciidamada Ethiopia iyo kuwa doowlada oo Al-shabaab ka qabsaday deegaano cusub

Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa maanta Al-shabaab ka qabsaday deegaano hor leh islamarkaasna katirsan gobolka Baay.

Wararka laga helayo gobolkaasi ayaa sheegaya in Ciidamada wadajirka ah hada ay ku wajahanyihiin degmada Diinsoor, oo la sheegay ineey isku urursanayaan ururka Al-shabaab.

Deegaanada ay Ciidamada doowlada iyo kuwa Ethiopia la wareegeen waxaa kamid ah, deegaanka Manaas, tuulada Makoon, buula-barako, iyo tuulooyin kale.

Ciidamada ayaa deegaanadaas kula wareegay iska hor’imaad kooban oo ka dhacay tuulooyinka ay la wareegeen.

Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor’imaadkaas maanta ka dhacay tuulootinka gobolka Baay ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn, laakiin goob joogayaal aya sheegay in shabaabka ay ka baxeen tuulooyin badan oo ku dhow deegaanada maanta laga qabsaday.

Sidoo kale wararka laga helayo degmada Diinsoor ee gobolka Baay waxay sheegayaan in kooxda Al-shabaab ay halkaas isku urursanayaan.

Ciidamada doowlada iyo kuwa Ethiopia ayaa waxa ay ku wajahanyihiin degmada “Diinsoor” ee gobolka Baay, halkaas oo la’aaminsanyahay in kooxda Al-shabaab ay saldhig weyn ku leeyihiin.

Kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxay isku urursanayeen degmada Diinsoor iyo tuulooyin hoos yimaada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in degmadaas ay ku suganyihiin Saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here