Ciidamadda Ahlu Sunna Wal Jameeca oo gacan ka helaya ciidamo Ethiopian ah ayaa waxay si buuxda ula wareegeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kadib markii ay labo maalmood kahor ay isaga baxeen ciidamadii Xarakada Al Shabaab oo maamulayay seddexdii sano ee la soo dhaafay.
Ciidamadda Ahlu Sunna ayaa waxay degmada Maxaas ay qabsadeen iyadoo aysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen qabsashada degmada Maxaas.
Shiikh Aadan Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la socotay ciidamada Ahlusunna ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in gebi ahaanba la wareegeen degmada Maxaas.
Shiikh Aadan Cabdulle Cawaale ayaa waxuu sheegay in ay sugi doonaan ammaanka deegaanada ay gacanta ku dhigeen isla markaana aysan ka hari doonin ciidamada ururka Alshabaab ee isaga baxay deegaano kamid ah gobolka Hiiraan iyo Galguduud.
Ciidamada Alshabaab ee hore u joogay degmada Maxaas ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin deegaanka Moqokori iyo degmada Buloburte oo labaduba ka mid ah gobolka Hiiran.
Degmada Maxaas ayaa noqonaysa degmadii labaad oo ka tirsan gobolka Hiiran oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ethiopia, hase yeeshee waxaa weli gacanta ciidamada Alshabaab ku sugan degmoyinka Buloburte iyo Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiran.