Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopa oo Galay Degmada Ufuroow

Ufuroow ee Gobalka Baya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay dib ugu galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia kadib markii shalay ay Magaaladaasi isaga baxeen.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Baay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay uga soo baxeen Degmada Ufuroow shalay ay aheyd kaarto milateri iminkana ay dib ugu noqdeen Magaalada.

Korneyl Mahad C/raxmaan oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobalka Baay ayaa sheegay in iminka ay ciidanka ku noqdeen Ufuroow halkaasina ay ka wadaan baaritaano adag oo dhanka ammaanka lagu sugayo.

Hadalkiisa ayuu intaasi ku daray in ciidamada Dowladda Somaaliya iyo kuwa Ethiopia iminka ay qorsheynayaan inay la wareegaan deegnada kale ee ka tirsan Gobalka oo ay Shabab ka joogaan.

Saraakiisha Shabaab ilaa iyo iminka kama hadlin dhaqdhaqaaqa ciidan ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay ka wadaan Gobalka Baay hayeeshe saaka ayeey aheyd markii ciidamada Shabaab ay isag baxeen Degmada Diinsoor ee Gobalkaasi Baay

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here