Ciidamada Dowladda oo Maanta isku soo Dhiibay Ciidamada ka Tirsan Al-Shabaab

Ka dib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay culeyska saareen sidii ay ula wareegi lahaayeen magaalada Jowhar ayaa waxaa ay arrintaasi sababtay in dagaalyahano Shabaab ka tirsanaa ay isku soo dhiibaa dhinaca Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maanta markii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanka Boorow waxaa isku soo dhiibay inka badan 100 qof oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka kooxda Shabaab kuwaasoo la sheegay inay qaarkood la soo goosteen hub iyo qoryo fud fudud.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaayo sababta ay Maleeshiyaadkaan uga soo goosteen Shabaab, balse warar aan heleyno waxaa ay sheegayaan inay ku dhibtoodeen dhaqamada Shabaab oo ay la qabsan waayeen.

Saraakiil Dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa sidoo kale noo sheegay in tirada Maleeshiyaadka Shabaab ka soo goostay ee soo galay dhanka Dowladda ay gaarayaan ilaa 300 oo qof.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. waxaan filayaa inuu qoraal ka idin ka khaldamay waxaad ciwaan ka dhigteen in Ciidamada Dowladda oo Maanta isku soo Dhiibay Ciidamada ka Tirsan Al-Shabaab.taasi macnaheedu wuxuu yahay xaga luqada iney ciidamada dowlada isdhiibeen sida aad hoos ku xusteen ciidamada Shabaab ayaa is dhiibay marka waa inaad tiraahdaan ciidama khatirsan shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidamada Dowlada mahad-sanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here