Ciidamada Dowladda oo Kismaayo ku Toogtay Qof Dhagool ah

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose waxaa xalay Magaaada Kismaayo lagu dilay qof shacab ah oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Falkaan aya waxaa lso warinayaa inuu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku amen nin an waxba maqleyn inuu sitago islamarkaana markii uu iastaagi waaye rasaas ay ku huwiyeen.

Xaafada Calnleey oo kamid ah Magaalada Kismaayo ayuu ka dhacay falkaan dilka ah ee ay fuliyeen ciidamada Dowladda soomaaliya kuwaasi oo rsaas ku jexejeexay wiilka dhagoolka ahaa.

Ruuxa ciidanka ay dileen ayaa wuxuu aha qof dhagool ah oo aan waxba maqleyn taasi oo keentay inuu maqli codka loogu yeeray ee ah inuu istaago ugu dambeyna naftiisa ay ubaxday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobta dilka u ka dhacay ay durba soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo goobta isku gadaamay islamarkaana aysan jirin cid ay gacanta kusoo dhigeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa tacadiyo kala duwan waxa ay ka geestaan Magaalda Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi taasi oo usii dheertahay shacabka Magaaladasi dilal qorsheysan ee loogeesto shacabka Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here