Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo u Magaalada Kismaayo

Wararka laga hellayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Kenya oo wehliyaan kuwa ciidamada dowladda somali u jiheysteen dhinaca degmada Kismayo ee xarunta u ah gobollka Jubbada hoose.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan degmada Dhoobley ee gobollka Jubbada hoose ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo wada jira ayaa u dhaqaaqay dhinaca degmada Kismaayo oo ay ku xoog badan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Sidoo kale wararka laga hellayo Kismaayo ayaa iyaguna sheegay in dadkii halkaa ku dhaqnaa bilaabeen in ay isaga barakacaan degmada, kadib cabsi ka soo wajahday dhaq dhaqaaqyada militari ee ka jira halkaa.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa Kenya ayaa sheegay in qorshan dagaal hadda socda yahay kii ugu danbeeyay oo ay doonayaan in ay kula wareegaan magaalada degada ah ee Kismaayo.

Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa wada dhaq dhaqaaq ku wajahan sidii ay isaga difaaci lahaayeen duulaanka ku soo socda, iyadoo dhaq dhaqaaqa uu ahaa mid xalay si aad ah loo dareemay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here