Ciidamada Dowladda oo dib uga laabtay Ufuroow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Ethiopia ay dib ugu noqdeen Degmada Ufuroow ee Gobalka Baay halkaasi oo ay shalay gelinkii dambe ay dib uga baxeen.

Sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa la sheegay inay soo ku jarmaadeen Magaalada Ufuroow halkaasi oo ay baaritaano ka wadaan sida wararka nagu soo gaarayaan.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Baay oo ka hadlay sababta ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethipoia ay uga baxeen Magaalada ayaa waxa ay ku sheegeen inay tahay xeelad dhanka Milateriga ah oo ay sameeyeen ciidanka.

Mahad C/raxmaan oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Baay oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia iminka ay ku sugan yihiin gudaha Degmada Ufuroow,isaga oo xusay in Shabaab ay ku dhuumalaysanayaan gudaha Magaalada.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay doonayaan hada inay aadaan dhanka Diinsoor halkaasi oo Shabaab ay isaga baxeen,islamarkaana aysan jirin cid ku sugan Degmada.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ay dib uga baxeen Degmada Ufuroow ee Gobalka Baay inkastoo maanta ay dib ugu noqdeen Magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here