Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISON oo dhawaan la wareegay wadadaBalcad aado

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay waddada isku xirta Muqdisho Balcad kaddib howlgalka ballaaran oo ay halkaasi sameeyeen.

Ciidammada dowladda oo kaashaniya ciidammada Midowga Africa ee AMSIOM ayaa daqiiqado ka hor xaqiijiyay gacan ku heynta waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad,

Sarakiil ka tirsan ciidammada Xoogga ayaa saxafada u sheegay in howlgalkii ay kula waregeen waddada Muqdisho iyo Balcad in illaa iyo hadda uu socda oo ay ciidammada ku sii siqayaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidammada Xoogga dalka ee la wareegay waddada Muqdisho iyo Balcad ayaa sidoo kale waxa ay u kala jiheysteen laba waddo oo kala ah waddada Afgooye aadda iyo midda Balcad oo uu hadda howlgalka ka socdo.