Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo qabsaday Xudur

War Deg-deg ahWararka naga soo gaaray degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in halkaas ay goordhow galeen ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowladda.

Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallin Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda oo ka soo kicitimay degmada Rab-dhuurre ay dhowr daqiiqo ka hor ay si nabad galyo leh ku qabsadeen degmada Xudur.

Wuxuu sheegay in wax dagaal ah aaney kala kulmin degmada markii ay soo galayeen, isagoona intaas ku daray in Al-Shabaab ay u caraareen duurka.

Waxaa jiray dagaal ka dhacay banaanka magaalada, oo ah caasimada gobalka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ka hor inta aysan Al -Shabaab halkaas isaga bixin

Guddoomiyaha wuxuu tilmaamay in ciidamada dowladda iyo ciidamada AMISOM ay wadaan howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay kaga sugan tahay Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here