Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo howl gal wada jir ah ka sameeyay Magaalada Muqdisho

Ciidamada nabadsugida dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ayaa maanta markii u horeysay si wada jir ah howl galo looga saarayay dadka degan dhismayaasha dowladda iyo dhismayaasha sharci darada ka sameeyay inta u dhaxeysa Isgoyska Zoobe ilaa Banaadir.

Howl galkan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka, iyadoo saaka ay xirneyd wadada KM4 ee aada dhinaca isgoyska Banaadir, halkaasoo ciidamo fara badan ay buuxiyeen.

Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howl galkan ujeedkiisa ahaa mid ammaanka lagu sugayay, isagoo xusay inay dowladda dib gacanteeda u soo gashay xarumihii ay laheyd ee dadka ay degenaayeen.

“Howl galkan waxaa uu suura geliyay in dad badan oo degenaa xarumihii dowladda looga saaro, waxaa ka mid ahaa xarumahaas Wasaarada qorsheynta, wakaaladii Biyaha iyo Wasaaradii Tacliinta, dhamaan waxaa degenaa dad, waana laga saaray”ayuu yiri Khaliif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wasaarada qorsheynta ay ka heleen hub iyo waxyaabaha qarxa, isagoo xusay inay aheyd goob falalka amni dari laga soo abaabuli jiray, isla markaana si suuq madow hubka looga iibsan jiray.

“Halkan Wasaarada qorsheynta waxay aheyd meel cirtoogte oo kale ah, hub, rasaas iyo waxyaabaha qarxa iyo dhar ciidan ayaa soo qabanay, alshabaab ayaa meeshan weerarada ka soo abaabuli jiray”ayuu mar kale yiri.

Gudiga Amniga qaranka ayaa dhowaan soo saaray amaro ka dhan ah dadka degan guryaha dowladda, iyadoo horay ciidamada dowladda ugu guuleysteen inay dadka ka saaraan xarumihii dowladda, Iskuuladii waxbarashada iyo goobihii caafimaadka ee la degay kadib bur burkii dowladii hore.