Ciidamada dowlada oo sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka ka dhacaya Deyniile

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay la wareegeen isbitaalka degmada Deyniile, garoonkii diyaaradaha iyo xaruntii Degmada Dayniile sida uu sheegay taliyaha guutada labaad ee ciidamada dowlada Col Maxamed Maxamud Saney.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay deegaanadaas la wareegeen kadib markii ay dhabar jibin ku soo sameeyeen ciidamada Alshabaab ciidamo ka yimid deegaanka Jaamacada Muqdisho.

Sarkaalka u hadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay in dagaalka maanta ka dhacay degmada Deyniile ay ka  qeybqaadanayeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo ka yimid degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo dhowaan ay ciidamo Ethiopian iyo kuwa Ahlu Sunna ay la wareegeen.

Dagaalkan oo la rumeysan yahay in uu qasaare xoog leh ka dhashay ayaan illaa iyo hadda si cad loo ogeyn waxyeelada ka soo gaartay labada dhinac iyo dadka rayidka ahba.

Hase yeeshee dagaalka ayaa waxa uu u muuqdaa hadda mid ku sii fidaya deegaano hore leh. Ururka Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta ku dhigeenillaa toban ruux oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen jaajuusiin u waramaysay ciidamada Amisom isla markaana hagaysay madaafiicda.

Lama huba in dadkaas la qabtay ay yihiin jaajuus iyadoo hore dhowr jeer dad ugu dishey inay yihiin jaajuusiin ururka Alshabaab.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inay gaaraan deegaanka Ceelasha Biyaha iyadoo deegaankaana saaka uu haawanayo oo dadkii ku haray ay ka carareen halkaas kadib markii ay saaka ay sii xoogeysteen dagaalada.

Kumanan ruux ayaa la sheegayin ay u carareen keynta iyagoo ka cararaya dagaalada ku soo siqaya deegaanada loo barkacay, waxaana la sheegayaa in degmada Afgooye dadka ku nool ay feejignaan ka muuqata iyagoo ka baqaya in dagaalada ay ku soo fidaan.