Ciidamada dowlada oo qarka u saaran magaalada Xudur

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saaranyihiin in ay qabsadaan magaalada Xudur ee caasunada gobolka Bakool.

Dagaalo ayaa la sheegayaa in saacadihi lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaano aad ugu dhaw Xudur kadib marki dagaalyahanada Al Shabaab ay wadada u galeen ciidanka oo soo siqayey.

Sarkaal diiday in magaciisa lasoo xigto oo ka mid ah kuwa dowlada ee jooga Bakool ayaa sheegay in ay rajeynayaan in saacadaha soo aadan ay qabsadaan magaalada Xudur.

Dhanka kale taliyaha ciidanka dowlada ee magaalada Baydhabo Adan Biid ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay gaari doonaan degmooyinka kale ee gobolka Bay shan maalin kadib makri ay qabsadeen Baydhabo.

Adan Biit ayaa sheegay in maalmahan ay ku mashquulsanaayeen sugida amaanka magaalada Baydhabo oo ay isla joogaan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Degmooyinka gobolka Bay intooda badan ayaa waxaa wali ka taliya Al Shabaab, sida Buurhakaba, Diinsoor, Qansaxdheere, Bardaale iyo Ufuroow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.