Ciidamada dowlada oo qabsaday Siinka Dheere iyo duleedka Lafoole

Taliyaha gaaska labaad ee dowlada KMG Soomaaliya Genaraal Cageey ayaa sheegay in ciidamada dowlada oo kaashanaya AMISOM ay maanta gaareen deegaano u dhaw Lafoole.

Hadal uu goor dhaweyd siiyey saxaafada ayuu ku sheegay in weerar ay ku qaadeen deegaanada ka shisheeyo Kaxda ee dhirir ahaan ugu toosan Xoosh ilaa iyo Lafoole.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen dagaalo socday mudo, iyadoo marki danbe ay ciidamada dowlada gaareen deegaanka Mowlaca Sheekh Axmed Xaaji Mahdi oo ka mid ahaan jiray meelaha la siyaara jiray.

Generaal Cageey ayaa sheegay in haatan ay xaaladu dagantahay si tartiib ahna ugu siqayaan Lafoole oo u jirta Sheekh Axmed Xaaji wax ka yar 4 KM.

Dhanka kalana goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo ka tirsan milatariga dowlada oo ku faafaya deegaanka Siinka Dheer, kadib marki ay halkaasi isaga baxeen Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo beeninaya ama xaqiijinaya in laga qabsaday deegaanadaasi muhiimka ah ee ay horay u joogeen.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.